Dowlada ingiriiska oo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ugu deeqday lacago dhan $4.3-milyan

0

Dowladda ingiriiska  ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo dhan $4.3-milyan oo ay siineyso  ciidamada xoogga dalka soomaliyeed.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ciidanka qalabka sida ee Britain Penny Mordaunt ayaa sheegtay in lacagtaan oo shalay baaqtay loogu talagalay dhib u dhiska ciidamada xooga dalka soomaliyeed sidoo kale loo adeegsan doono sahayda cunnada, shidaalka iyo caafimaadka ee ciidanka soomaliyeed.

Penny Mordaunt waxa ay sidoo kale sheegay in dowlada ingiriiska ay mar walba ay taageeri doonto dowlada soomaliya ayna garab siin doonto  dib u dhiska ciidamada xoogga dalka soomaliyeed si loosoo celiyo awoodii ciidamada xoogga dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ciidanka qalabka sida ee Britain Penny Mordaunt oo shalay Magaalada Muqdisho kula kulantay raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/Rashid cali sharmarka ayaa sheegtay in dowlada ingiriiska ay mar walba ay garab taagan tahay dowlada soomaliya.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha wasaaradda ciidanka qalabka sida ee Britain Penny Mordaunt waxa ay kulamo la qaadatay wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga, Taliyaha ciidanka XDS iyo Danjirayaasha Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here