Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Ruun-nirgood

0

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya ayaa wali ka socda deegaanka Ruun-nirgood , waxaana Al Shabaab lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xeradii ciidanka dowladda joogeen.

Xerada la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Gor Gor iyo kuwa deegaanka, waxa weerarka ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo ka ruqaan-saday deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gurmad u aaday degmada Ruun-nirgood ee dagaalku ka socdo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo loogu hadlaayo dagaalka ka socda degmadda Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here