Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalka saakay dib kaga qarxay magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.
Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland.
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka 4:30 subaxnimo uu dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Somaliland ayaa sheegtay in dagaalkan ay ku soo qaadeen kooxaha ku sugan Laascaanood iyo ciidanka Maamul Goboleedka Puntland, sida ay xukuumadu ku sheegtay war-saxaafadeed ay saaka soo saartay.
“Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.
Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.
Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xukuumada Somaliland.
Maalmihii ugu dambeeyay waxa degenayd xaalada Magaalada Laascanood, taasi oo aan wax dagaal ahi ka dhicin.
Dhinaca kale Puntland ayaa marar badan beenisay inay qayb katahay dagaalka Laascaanood.

