Kolonyo Kenyaan ah oo Lagu Qarxiyay Magaalada Lamu ee Waqooyi Bari

0

Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay halkaas.

Qaraxaan oo geystay khasaare kala duwan ayaa lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya.

Wararka hordhaca ah ee laga helay gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya ee saarna gaarigaas.

Lama xaqiijin karo tirada rasmiga ee askarta ku geeriyooday qaraxaasi miino, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya.

Deegaanada dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa inta badan ciidamada Kenya lagula eegta qaraxyo noocaan oo kale ah iyo weeraro toos ah oo lagu beegsado xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here