War Deg Deg;-Al-shabaab oo Qaraxyo Ku Galay Saldhig Ciidamadda Jubbaland

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa weerar al-shabaab ay saakay ku qaadeen saldhig ciidamadda maamulka Jubbland ay ku leeyihiin  Tuuladda Buulo-gaduud oo ku dhow deegaanka Janaay Cabdala oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose

Dagaalyahanadda  Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku galay saldhig deegaanka Buulu-gaduud,waxaana xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamadii Jubbaland ee saldhiga ku sugnaa iyo Al-shabaab.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka qaraxa ku bilowday ee lagu qaaday Tuuladda Buulo-gaduud oo ku dhow deegaanka Janaay Cabdale ee gobolka Jubada hoose.

Ciidamadda Maamulka Jubbaland ayaa bilowgii sanadkaan Al-shabaab kala wareegay saldhigaan Deegaanka Buulu-gaduud.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaan,waxayna sheegeen in ay la wareegeen saldhiga Deegaanka Buulu-gaduud.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here