Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo ay wehliyaan ciidanka darwaashiita maamul goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaannada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ku dilay tiro Al-shabaab ka Tirsan.
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa sheegay in 13 ka mid ah shabaab oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa Afgarashada yahay Axmed Sahal oo lagu dilay howlgalkaan.
Ciidamada huwanta ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ahaa Al Shabaab ka fulinayay deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose, ciidamadan ayaana doonaya in Al Shabaab ka saaraan goobaha ay ka joogaan Jubbada Hoose.

