Labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya muddo kordhin loo sameeyo Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, aqalka Sare iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiyadda oo kulan yeeshay ayaa soo saaray go’aano dhowr ay oo ay kamid yihiin;
1- In baarlamaanka 7 maalin gudahood fadhi wadajir ah ay ku horgeeyaan in mudo xileedka Dawladda laga dhigo 5 sano oo ka bilaabanaysa May-2022.
2- In Warbaahinta lahadalkeeda iyo doodaha ka dhasha kajawaabidooda loo daayo Raysalwasaare kuxigeenkii hore Mahdi Max’ed Guuleed, oo isagu difaacaha noqon doona.
Dhanka kale waxa socda olale ay wadaan xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka iyo aqalka saree e ku aadan in la fashiliyo muddo kordhinta ay doonayaan labadda aqal, iyo Madaxtooyadda Soomaaliya.



