Nin sida la sheegay Madaxa Loogu jirey(waalan), ayaa Nin Dhaqtar ahaa ku dilay Xaafadda Xariyaale oo ka Tirsan Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Sida aan wararka ku helnay nin watay toorey dheer ayaa mar qura beegsaday goob uu fadhiyay marxuum Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo kamid ahaa dadka degan Wardhiigley, ninka tooreyda watay ayaana qoorta iyo meelo kale kala dhacay mindida.
Dad goobta ku sugnaa ay ku jiraan ehelada marxuumka la dilay ayaa ku guuldareestay in ay badbaadiyaan , waxaana ninkan gacankudhiiglaha dilka geestay iyada oo dad badan ay arkayeen.
Meydka Marxuum Ismaaciil Maxamed Cabdulle ayaa la geeyay Xarunta CID ee magaaladda muqdisho,halkaas oo lagu baarayo,lamana oga sababta ka dambeysa arintaan.

