Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa saakay dib kaga bilowday dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo todobaadyo ka socday Magaaladaas.
Labada dhinac oo isku horfadhiyay duleedka iyo bariga Magaaladda ayaa saakay dib u bilaabay dagaalkoooda,waxaana magaaladda laga maqlayaa daryanka hubka culus iyo madaafiic magaaladda kusoo dhacaysa.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday Magaaladda Laascaanood, ee soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamaya iyo shacabka magaaladda ku harsanaa.
Dagaalkii shalay Magaaladda ka dhacday ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 60-ruux oo dhinacyadda dagaalamaya u badan,Somaliland ayaa lumisay saldhigyo ay kaga sugnaayeen Bariga iyo Koonfurta Magaaladda Laascaanood.
Dhanka kale Somaliland ayaa ku eedeysay dagaalka Laascaanood ka socda in ay isku soo bahaysteen dowladda federaalka ,Puntland, iyo dhinacyo hubeysan,islamarkaana mar walba iyada weerar lagu yahay.
Xabad joojinta ay ku dhawaaqeen dhinacyadda ku dagaalamaya magaaladda ayaa burburtay,kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda Magaaladda Laascaanood.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ah xubnaha kasoo jeedda Gobolka Sool,islamarkaana xil ka haya Somaliland ayaa ka hor yimid dagaalka Somaliland kawado Magaaladda Laascaanood.
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa beeniyey sheegashada Somaliland ee ah in ay la dagaalamayaan Argagixiso, ciidamo Puntland iyo kuwa dawlada Faderaalka, wuxuuna kusifeeyey been abuur iyo war aan waxba ka jirin.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey in uu ahaa dagaal huriye, oo uu diiday dadaal kasta oo nabad lagu raadiyey,uusan aqbaleynin leynta shacabkiisa.
Dagaalka Laascaanood ayaa noqday mida ugu hadal heynta badan,waxaana jirin gacan seddexaad oo kala dhexgashay dhinacyada dagaalamaya,marka laga reebo baaqyo loo jeediyay.

