Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarada aan loo meel dayin ee ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo ka dhacay magaalada Laascanood, islamarkaana guryahooda lagala baxay in ka badan 185,000 oo qof.
“Waa in colaadda la joojiyo, ciddii ka dambaysayna lala xisaabtamo” ayaa lagu qoraal kooba oo ka soo baxay qeybta arrimaha Afrika u qaabilsan waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka
Hadalka Mareykanka ayaa yimid kaddib warbixin uu soo saaray khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo walaac ka muujiyay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku dhintay Soomaaliya, ka dib iska horimaadyo ciidamada ammaanka Somaliland iyo dadka degaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool dhexmaray tan iyo horraantii bishii February.
“Waxaan ka xunnahay dilka ugu yaraan 63 qof iyo in ka badan 363 lagu dhaawacay,” ayay tiri Isha Dyfan, oo ah khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Iyadoo soo xiganaysa warbixinnada ku saabsan weerarrada aan loo meel dayin ama ula kac ah ee ka dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, ayay sheegtay in weerarradan ay yihiin kuwo aan sinaba loo aqbali karin oo si toos ah uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadamnimada.

