Al-shabaab oo u Hanjabay Ciyaal Weeradda Magaaladda Muqdisho

0

Al-shabaab ayaa Hanjabaad hawada u marisay Ciyaalka loo yaqaano (Ciyaal Weeraro oo dhibaatooyin ku haya Shacabka Magaaladda muqdisho.

Afhayeenka Milatariga ee Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in hadii Ciyaal Weerada Muqdisho aysan joojin dhibaatooyinka ay geysanayaan ay la kulmi doonaan cawaaqib xun oo Al-shabaab ugu imaada.

Waxa uu sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyadda iyo falalka ay geystaan ciyaal weeradda,balse ay la kulmi doonaan jawaab culus hadii aysan joojinin dhibaatooyinka ay geystaan.

Waxa uu sidoo kale digniin u diray dhalinyarada caadeysatay isticmaalka daroogada, kadibna dhibaatooyinka dilka, dhaawaca iyo dhaca kula dhaqaaqa dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha magaaladan.

“Ciidanka Al-shabaab  ee Magaaladda Muqdisho ka howlgala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay 1-waan kaa war haynaa 2-waan kugusoo soconnaa 3-waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbadkeentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin” ayuu yiri Abuu Muscab.

Hadalka Abuu Muscab aaya imaanaya xili ciyaal weeraradda dhibaatooyinka ka geysta Magaaladda ay bilaabeen in ay ku qassbaan dadka isla socdaan in ay ay isku galmoodaan,taasi oo walaac xoogan laga muujiyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya,gaar ahaan laamaha amaanka  ayaa ku guul dareysatay dagaal mudo kudhow sanad socday oo ka dhan ahaa burcada Ciyaal Weerada, lama oga waxa uu falalkii amni daro ee kooxdaasi geysan jirtay uu ka bedeli doono hanjabaada Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here