Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa magacaabay guddi ka soo talo bixiya warbixina ka keena go’doomin la sheegay in lagu hayo degaano ka tirsan bariga Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo weli ku hoos jira gacanta Al-shabaab.
Gudiggan oo ka kooban 11 xubnood oo ka soo jeeda degaanadaas ayaa marka ay soo dhameystiraan warbixintooda waxay dib ugu soo celin doonaan Golaha shacabka Somalia.



