Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu arday ahaa ayaa maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka ay haleeshay rasaas ay fureen aska ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhowaan ka soo laabtay tababarka Eritrea.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo la socday Mooto bajaaj ay fureen rasaasta ka dib markii wadadu ay noqotay Jaam. si ay u furtaan jidka.

