Wiil Dhalinyaro ahaa oo Lagu Dilay Isgoyska Baar-ubax Muqdisho

0

Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu arday ahaa ayaa maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka ay haleeshay rasaas ay fureen aska ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhowaan ka soo laabtay tababarka Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo la socday Mooto bajaaj ay fureen rasaasta ka dib markii wadadu ay noqotay Jaam. si ay u furtaan jidka.

Ciidamada dilka geystay ayaana wax yar ka dib isaga baxsaday goobta, waxaana ka dib halkaas dibed bax ka dhigay shacab careysan oo kaa xumaaday dilka macno darada ah ee loo geystay wiilka dhalinyarada ah, kuwaasoo DF ka dalbanayey cadaalad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here