Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaaladda Laascaanood,Rasaas La Maqlaayo

0

Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa xalay iyo saakay martigalisay dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Maamulka Somaliland iyo kuwa dadka Deegaanka.

Xalay waxaa magaaladda lagu garaacay hubkii ugu cuslaa ay adeegsanayeen ciidamadda Somaliland, waxaa sidoo kale jirey dagaal toos ahaa oo u dhaxeeyay ciidamadda Somaliland iyo kuwa dadka Deegaanka,waxaana dagaalkii xalay iyo hubka culus ee mgaaladda lagu garaacay lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa Somaliland adeegsato,9maalin uu dagaalka socdo.

Saakay waxaa sidoo kale magaaladda ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka,inkastoo xaaladda ay haatan dagan tahay.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda xalay lagu garaacay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Dhanka kale Garaadyadda Gobolka Sool kasoo jeeda ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in hubka culus ay ku gaaracayaan Magaaladda,ayna jabiyeen xabad joojintii lagu heshiiyay 10-kii bishaan.

Dagaalka Magaaladda Laascaanood ayaa lugaha la galay todobaadkii labaad oo xiriir ah,waxayna dhinacyadda ku dagaalamaya magaaladda uu midba midka kale ku eedeynayaan in uu jabiyay xabadjoojinta lagu dhawaaqay.

Si dhab ah looma ogaan karo khasaaraha dhimashada,dhaawaca, iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaray magaaladda,sababo la xiriira madaafiica culus oo magaaladda lagu garaacyo 9-maalin uu xiriir ah.

Dagaalka Magaaladda Laascaanood ayaa salka ku haya arrimaha maamulka, waxayna shacabka ku nool magaaladda Laascaanood ay doonayaan in 15-sano kadib ay ka hoos baxaan gacanta Somaliland iyadoo Somaliland diidan tahay arintaas.

Somaliland ayaa kuu eedeynayso dhinacyo kala duwan oo dowladda Federaalka Soomaaliya qeyb ka tahay dagaalka socda Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Dhanka kale dhinacyadda ku dagaalamaya Somaliland ayaa dhagaha ka fureysanaya baaqyadda kaga imaanaya beesha Caalamka, Dowladda Federaalka, culimadda oo ku aadan joojinta dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here