Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo), in uu qeyb ka yahay dagaalka ka socda Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu ku lug leeyahay dagaalka Laascaanood ayna dagaalamaan ciidamo uu tababar u diray.
“Qorshaha lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, uu ciidamo u diray dalalka Ereteriya iyo Turkiga, si ay tababar ugu soo qaataan, ujeedkooduna ahaa in ay la dagaalamaan Somaliland. Hubkii loogu deeqay Soomaaliya ayaa sida oo kale lagula dagaallamey Somaliland.” Ayaa Yiri wasiirka.
Dagaalka Magaaladda Laacaanood ayaa galay maalintii 8-aad,waxaana magaaladda wali ku socda madaafiicda ay ridayaan Ciidamadda maamulka Somaliland.

