Dagaalka Laascaanood oo Galay Maalintii 7-aad,Madaafiic La Maqlayo

0

Dagaalka Magaaladda laascaanood ee Gobolka  Sool ka socda ayaa galay maalintii 7-aad, waxaa saakay magaaladda ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamadda Maamulka Somaliland iyo ciidamadda Deegaanka.

Dagaalka ayaa soo bilowday xalay,wuxuu si gaar ah kaga socda daafaha Magaaladda oo 6-dii maalin aynu soo dhaafnay uu dagaalka ka socday.

Magaaladda Laascaanood waxa maalintii 7-aad ku socda duqeymaha kala joogsi laheyn oo ciidamadda Somaliland magaaladda  ku gaaracayaan,inkastoo shacabkii Magaaladda isaga barakaceyn xili hore.

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa war kasoo saaray dagaalka maalintii 7-aad ka socda Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wasiirka Gaashaandhiga Maamulka Somaliland, oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Xabad Joojinta ay Xukuumadda Soomaaliland  ku dhawaaqday ay dhab ka tahay,balse dhinaca kale laga jabiyay.

C/qani Maxamuud caateeye oo ah wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegay in iyagoo tixagalinayo shacabka ay wali diyaar u yihiin xabad joojin iyo wada-hadal,wuxuuna ugu baaqay dhinaca kale in ay xabadda joojiyaan.

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Wasiirka Ciidamadda Somaliland in ay is difaacaan haduu weerar kaga yimaado dhanka Ciidamadda Deegaanka, uu ku tilmaamay argagaxiso lasoo hubeeyay.

Somaliland ayaa habeen hore ku dhawaaqday xabad joojin,waxaa soo dhaweeyay go’aankaas Garaadyadda Gobolka Sool,balse saacado kadib waxaa magaaladda dib kaga bilowday Dagaalka.

Eedeenta ugu badan ayaa dusha loogu tuurayaa Maamulka Somaliland oo lagu eedeynayo in aysan joojineenin duqeymaha magaaladda Laascaanood.

Xaaladda Magaaladda laascaanood ayaa faraha ka baxday, waxayna dhinacyadda dagaalamaya dhagaha ka fureysteen baaqyada kaga imaanayada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageertay shacabka Laascaanood  iyo beesha Caalamka.

Dhnka kale Somaliland ayaa shaacisay in dagaalka magaaladda Laascaanood la isku soo baheystay,islamarkaana Magaaladda kula dagaalamayso Kooxo Argagixiso ah.

Inkasoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac dagaalka Magaaladda Laascaanood,hadana khasaraha ayaa gaari kara tiro aad u badan,madaama magaaladda isbuuc lagu garaacyo hubka culus.

Shacabka dagaalka kula jira Ciidamadda Somaliland ayaa dalbanaya in ay ka baxaan gacanta Maamulka Somaliland,balse Somaliland ay doonayso in awood ciidan ku maamusho shacabka 15-kii maamulayeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here