Dowladda Jabuuti oo Beenisay in ay Qeyb ka tahay Dagaalka Laascaanood

0

Dawladda Jabuuti ayaa beenisay in ay qeyb ka tahay ayna Somaliland ku taageerayso dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal ku soo baahiyey bartiisa Twitterka ayaa sheegay in eedeymaha arimahaas sheegaya ay yihiin kuwo marin habaabin ah oo aan waxba ka jirin.

“Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada dhex socday marinhabaabin ballaadhan, oo dalkayga Jabuuti lagu eedaynayay inuu ka qayb qaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buunbuuniyey, si Jabuuti loogu diro waddamada la jaarka ah” ayuu wasiirka

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ahaan ay dhexdhexaad ka yihiin arrimaha ka taagan gobolka Sool, aysana jirin fara gelin iyo dhinac ay la safan tahay Jabuuti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here