Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ku dilay mid kamid ahaa shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom xarunteeda magaaladaas.
Dilkaan ayaa ka dhacay mid kamid ah xaafadaha magaaladda Jowhar,xiligii salaadda cishaha kadib.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo kamid ahaa waxgaradka Jowhar caanka ka ahaa,sidoo kalana kamid ahaa shaqaalaha shirkadda hormuud.
AUN Nabadoon C/raxmaan ayaa la sheegay in qeyb weyn ka geystay dhismaha Maamulka Hir-shabeelle.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon .
Madaxweynaha ayaa tilamaamay in Allaha u Naxariistee Nabaddoon Cabdiraxmaan uu kaalin mug leh kasoo qaatay Dowlad Dhiskii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha bulshada iyo midnimada ummadda.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

