Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa ka hadlay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ciidamada dowlada iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.
General Biixi ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamadu huwanta ah la wareegeen degaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.
“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, inaanu la wareegnay Deganaka Doonley oo dhaxeeya Shabeellow iyo Camaara oo cadowga u ahayd Talis iyo difaac weyna ay ku lahaayeen, dagaalkaas waxaa uu ahaa dagaalladii Shabaab lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saacadood, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan, nimankii Shabaab ahaa gododka waa laga saaray,” ayuu yiri Taliye Biixi.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Shabaab dagaalladaas oo aad u xoogganaa looga dilay rag fara badan oo gaaraya 117 dagaalyahan.
“Waxay ciidamada hadda ku daba jiraan firxadkooda, Shabaab ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen. Howlgalkana weli waa socdaa” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi.
Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Shabaab ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

