Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo laga maqlay meelo kala duwan oo Magaaladda ah ayaa ka dhacday Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xarunta Degmadda Hodan.
Qaraxa ayaa lagu soo raray Mooto bajaaj,waxaana la sheegay in ay qaraxday ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedka.
Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa xiray wadihii mooto bajaajka,waxaana haatan ku socda baaritaano.

