Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagraeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada.
Saamileyda Siyaasadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.




