Dowladda oo Ka Hadashay Hadalkii Cali Dheere, Fariina u Dirtay Ganacsatada

0

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray afhayeenka dagaalyahanadda Al-shabaab ee ku wajahnaa ganacsadatada Soomaaliyeed.

Af-hayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Ragge Cali Dheere ayaa ugu baaqay ganacsatadda Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan qorshe ay damacsan yihiin mareykanka iyo dowladda Soomaaliya uu ku sheegay in lagu dhici rabo hantidooda.

Wasiirka ganacsiga Somalia Jibriil Abdirashid Xaaji ayaa ku bogaadiyey ganacsatada u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee lagu joojinaayey lacagahii ay siin jireen Al-Shabaab, isagoo uga digay iney mar kale la macaamilaan al-shabaab.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in hadalka Shiikh Cali Dheere ay ka muuqato calaacal, ayna arrintaas guul u tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Cali Dheere afhayeenka Shabaab, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah Al-Shabaab” ayuu yiri wasiirka.

“Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed in maanta Al-Shabaab ay caddeeyeen in lagu jabiyey dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday oo lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay doonayeen inay baad uga qaataan ganacsatada Soomaaliyeed”ayuu intaas ku daray.

“Ganacsatada Soomaaliyeed way ku mahadsan tahay inay si joogto ah noo la wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab oo noo fududeysay in aanu badbaadino lacago tiro badan oo ay qaadan rabtay shabaab”  ayuu yiri wasiirka

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee aan iska diiwaan gelin wasaaradiisa,islamarkaana ganacsigii lasoo qabto isagoo haysanin aqoosi uu la kulmi doono ciqaab adag.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here