Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay maanta isniin ah dhimashada saddex askari oo ku dhintay weerarkii dhawaan lagu qaaday deeganka ceel cadde ee Gobolka Gedo ayna geysteen dagaalyahano ka tirsan al-shabaab.
Saddexdaan askari ayaa muda dheer ay eheladooda ka la ahaayeen wax ah balse maanta ayaa lagu wargaliyay in ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday saldhiga deeganka ceel-cadde.
Magacyada sadeexdaan askari ayaa lagu kala sheegay Isaiah Mwanja, oo 30sano jir ahaa, Wyclief Oguta, oo 26sano jir ahaa iyo Michael Owino oo 20 sano.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada al-shabaab ay weeraro qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen deeganka ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay fariisimo ku lahaayeen askarta Kenya.

