Al-shabaan oo Hanjabaad Culus u Direy Bankiyadda Soomaaliya Ka Shaqeeya

0

Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka.

Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere), oo cod soo dhexmariyay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in sharcigaan ay dowladda federaalka oo gadaal ka riixayo Mareykanka uga dan leeyihiin beegsiga shirkadaha ganacsiga wadanka iyo dadka ganacsatada ah, loona boobi lahaa hantidooda.

“Waa qorshe uu Mareykanku wax badan kasoo shaqayay, uuna u diyaarsaday (dowladdii) u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawl-geli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wato Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) sheegay in Mareykanka uu doonayo iyo sidii 2001-kii uu shacabka soomaaliyeed u dhaco.

“Waxaad ogtihiin in Mareykanku hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday.”

Ugu dambeyntii Afhayeenka Al-Shabaab ayaa hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida, kuwaasi oo uga digay in ay xogta macaamiishooda la wadaagan dowladda.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan.”

Hadalka Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in ay xirtay 250 Acc oo lacago loo marin jirey Al-shabaab,kuwa kalana lagu raadjoogo.

Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab loogu guuleystay dhanka dhaqaalaha,islamarkaana ay haatan dareemayaa dhaqaale yari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here