Mas’uul Ka Tirsanaa Galmudug oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ku dilay Mas’uul ka Tirsaneyd Maamulka Galmudug.

Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd Wasiir Dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Galmudug ayaa lagu dilay degmada Warta Nabadda gaar ahaan waaxda saddexaad ee Horseed.

Kooxo bastooladdo ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Maama Farxiyo,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Maama la dilay ayaa la sheegay in ay daganeyd Degmadda Warta-nabadda ee gobolka Banaadir,mana jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka ka dhacay Warta-nabadda.

Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka noocaan oo kala ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here