Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyayaal caawa laga maqlay magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, hoobiyaasha ayaa ku dhacay Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaaladda Baladweyne.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay,hoobiyaasha ku dhacay Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaaladda Baladweyne.
Dhanka kale Laamaha amaanka magaaladda Baladweyne ayaa haatan wada howlgal qorshaysan ay ku ogaanayaan halka laga soo tuuray hoobiyaasha.

