Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay hawlgal qorshaysan ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.
Hawlgalka ayaa yimid ka dib markii Alshabaab isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabeen weerarkaasi.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in Al-shabaab weerarkaas looga furtay Saanad Ciidan.

