Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo saakay dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada milatariga Dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Sida la xaqiijiyay ilaa saddex baabuur oo waxyaalaha qarxa lagu buuxiyay lagu weeraray saldhigga Xawaadley,waxaana kadib xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray dagaalyahanada Shabaab iyo ciidamadii malatariga ee ku sugnaa saldhiga Xawaadley.
Qaraxyadda iyo dagaalka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida la xaqiijiyay askar badan oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyahii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey) ayaa ku dhintay weerarka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Hir-shabeelle oo loogu hadlaayo weerarkaan saakay ka dhacay deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.
15 October 2022-kii ciidamadda Malatariga iyo kuwa Deegaanka ayaa la wareegay Deegaanka Xawaadley oo shabaab ay ku sugnaayeen.
Qoraal xiligaas kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in xawaadley ay muhiim ay aheyd dagaalyahanada Al-Shabaab.
“Deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah, oo ay al-shabaab isaga kala gudbi jireen Gobolada Shabellaha Hoose & Shabellaha Dhexe iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u gaystaan dadka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.” Ayaa lagu sheegay warka Dowladda.

