Dowladda Kenya oo Beenisay in Safaarad Ka Furanayso Magaaladda Hargeysa

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa beenisay wararka la isla-dhexmarayo ee ku aadan in xafiiska xiriirka Nairobi ee Hargeysa loo badalayo safaarad.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Alfred Mutua ayaa hadalkan waxa uu ku caddeeyay qoraal uu ku daabacay ciwaanka uu ku leeyahay mareegga Twitter-ka.

Hadalheyntan ayaa ka dhalatay kadib markii Somaliland ay kasoo muuqatay qorshe maamulka madaxwayne William Ruto uu safaarad ugu badalayo xafiisyada Kenya ku leeyahay lixdan iyo lixdan dal.

Somaliland ayaa waqti badan gelisay in ay xiriirka adag la samayso wadamada gobolka oo ay ku jirto Kenya halkaasoo ay ka sameysatay Xafiiska Isku-xirka Sebtember 2021 iyaddoo geysay afar sarkaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here