Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmoy.
Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Danjire Muxiyaddiin uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga soo noqday Wasiir, diblumaasi dalkeenna matalay iyo Bare ka mid ahaa macallimiinta Jaamacadda Umadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey
Marxuum Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy oo ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1953, ifkana kaga tagay caruur (wiilal iyo gabdhaba leh), ayaa intii u dhexeysay sanadihii 1965-1976 waxa uu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, isagoo ka mid ahaa ardaydii ka qalin-jebisay Dugsiga sare Jamaal Cabdinaasir, halka intii u dhexeysay 1976-1978 uu kaga qalinjebiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu dhammeeyay heerka koowaad ee Kuliyadda Culuumta Siyaasadda.

