Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod.
Qoraal dheer oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa lagu xusay in ay muhiim tahay dhismaha guddi qaabilsan anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod.


