Madaxweynaha Jabuuti iyo Wafuud Kale oo Kusoo Wajahan Magaaladda Muqdisho

0

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa maanta kusoo wajahan wafuud caalami ah oo kamid yahay madaxweynaha Dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Qaban-qaabadda Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti ayaa laga dareemayaa Magaaladda muqdisho,waxaana laxirey inta badan wadooyinka Magaaladda oo lagu arkaayo Ciidamadda kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Shacabka Magaaladda ayaa saakay kusootoosay xirnaashaha wadooyinka Muqdisho, waxayna adeegsanayaan lugtooda,madaama loo diiday wadooyinka gaadiidka dadweynaha.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayey wararka sheegayaan inuu xariga ka jarayo dhismaha xarunta cusub Akademiyada afka Soomaaliga oo laga hirgeliyey degmada Shignaani ee magaalada Muqdisho,waana ujeedaugu weyn ee imaashihiisa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa maanta Magaalada muqisho soo gaari doona, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, Wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Wufuud kale.

Imaanshiyaha Madaxdaan ayaa lagu sheegay siii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha,Kenya,Jabuuti iyo ismaamulka Soomaalida Ethopia.

Dhanka kale Hey’adda Duulista Rayidka ayaa sidoo kale maanta hakisay dhaq dhaqaaqyada duulimaadyada ee garoonka diyaaraddaha Caalamiga Aadan Cadde, sababo ku aadan imaanshaha wafuud uu ka mid yahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wadooyinka  Magaalada Muqdisho  ay xirnaan doonaan ilaa maqrib caawa,sababo la xiriira joogista wafuuda Caalamiga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here