Aadan Madoobe oo La Kulmay Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta deegaanada ay ku suganyihiin kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo argagaxisada.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili xiisad colaadeed ay maalmihii la soo dhaafay ka jirtay magaalada Baydhabo taasoo ka dhalatay muddo kororsiga halka sano ah ee uu sameystay Madaxweyne Laftagareen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here