Saraakiisha ciidamada Maamulka Juba-land ayaa si kulul u beeniyay in ciidamada al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Maxamed cabdi tooshle oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan Magaalada Kismaayo oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay in madaafiic lagu garacaay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo fariisimo u ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee amisom.
Dhanka kale Waxa uu sheegay in garoonka lagu soo tuuray kaliyah qoriga sabanka loo yaqaano kaasi oo ku dhacay meel aan u dhaweyn garoonka diyaarahada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose .
Warar lagu baahiyay baraha Xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay weerar hoobiyaal ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.

