Gudiga baarlamaanka dalka hayti ayaa isku raacay in dalka uu yeeshto madaxweyne cusub oo ku meel gaar ah kaasi oo dalka hogaamin doona inta dalka uu ka yeelano madaxweyne lasoo doorto.
Mudane Jeselerm priverti ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ee dalka hayti Kadib markii ay isku raaceen baarlamanka dalkaas oo kulanka ku yeeshtay caasimada dalka Hayti.
Jeselerm oo jira da’da 61 sano ayaa laga soo doortay qaabaa ilka dalka hayti waxaana uu xilka hayndoonaa muddo dhan 120 maalmood.
Doorashada guud ee dalka hayti ayaa dhici doonta bisha may ee sanadkaan inkastoo baarlamaanka dalkaasi la dooran doono bisha april ee isla sanadkaan.
Dalka hayti waxaa uu dhacaa waqooyiga afrika waxaana ka dhacay dibad baxyo xoogan sanadkii 2015 oo looga soo horjeeday dowladii xiligaasi dhisneed.

