Kulan Looga Hadlayay Arrimaha Amniga oo Ka Dhacay Aadan Yabaal

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan looga hadlayay arrimaha amniga kula qaatay degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Maamullada Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Saraakiisha Ciidanka Xoogga, Saraakiisha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Kulankaan ayaa looga hadlayay xaqiijinta amniga deegaanadii dhowaan laga xureeyay Al-shabaab iyo sida looga ciribtiri lahaa deegaanada dhiman.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyayaasha Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Taliyaha Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidamada Lugta, Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, iyo Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xogga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in duruufo adag uu kusoo arkay deegaanadii uu soo maray ee laga  xureeyay Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu kula dardaarmay saraakiisha ciidamada inay ka shaqeeyaan nabadgalyada deegaanada la xureeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here