Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo ku Dagaalamay deegaan hoos yimaadda Mahadaay

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,kuwa Deegaanka iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan hoos yimaadda Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamadda Dowladda ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaanka ay ku sugnaayeen Al-shabaab waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xoghayaha Degmadda Mahaad C/laahi Cali Furuqle oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay In SHabaab ay ka dileen 10-askari,dhankoodana dhaawac soo yar uu soo gaaray.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ee ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Dhaxe kula wareegay degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo katirsan gobolkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here