Dagaalyahano ka Tirsan shabaab ayaa dil iyo dhaawac ugu geystay Gudaha suuqa Bakaaraha askar ka Tirsan Ciidamadda Hay’adda NISA.
Weerarkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Carwo Liimooni ee gudaha suuqa Bakaaraha.
Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan oo Shabaab ah ay Bambo ku tuureen askar ka tirsan ciidamadda dhar cadka ee NISA oo hal goob ku wada sugnaa, waxaana la sheegay in intaasi kadib ay rag Shabaab ah oo ka soo dagay Mooto Bajaaj, kuwaasoo watay qori AK47 ah ay rasaas ooda uga qaadeen askarta.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay hal askari oo ka Tirsan Nisa,3-kalana way ku dhaawacmeen.
Ciidamadda weerarka la kulmay ayaa la sheegay in ay hoos imaanayeen Taliyaha Nabadd Sugida ee degmada Howlwadaag Shakiib, iyadoo gudaha suuqa bakaaraha uu haatan ka socdo howlgal culus oo ay wadaan ciidamadda amaanka.

