Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Al-shabaab

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ciidamada iyo dadka deegaankuba ugu baaqay inay gobolka ka bilaabaan hawlgalo ka dhan ah Al Shabaab, si lamid ah gobolada kale ee dalka.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay degmadaasi ayaa dadka deegaanka ugu yeeray inay door muuqdo ku yeeshaan hawlgalada ay tahay in Al-Shabaabka looga saaro deegaanada ay baaqiga kaga yihiin gobolkaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku goodiyay inaanan hadda ka dib Al-Shabaab looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Deegaanno badan oo katirsan Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed waxaa ka arimiya Al-shabaab, marka laga soo tago Hirshabelle iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here