Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Meel mariyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2023

0

Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Golaha waxa ay kulankooda ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda.

Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here