Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga soo baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ay maalmo ka hor lagala wareegay Al-Shabaab.
Sarkaal ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamadda Dowladda ay isaga soo baxeyn deegaanka,kadib khilaaf soo kala dhexgalay beesha deegaanka lagu tiriyo iyo hogaanka ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya.
G/lle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidankii beesha deegaanka Wabxo ay isaga baxeyn magaalada Wabxo ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa uu intaas ku daray in sababta ay Wabxo uga baxeen ay tahay hagardaamo lagu sameeyay kaddib markii ciidankii xoogga dalka ee la howlgelayay kuwa deegaanka ay si lama filaan ah uga guureen magaalada ka dib amar uga yimid saraakiisha ka sare ee xoogga dalka
“Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in ciidamada xoogga dalka ay joogaan magaalada Wabxo labo todobaad ka dibna maamulka lagu wareejiyo ciidamada degaanka, ciidankuna uu horey u sii dhaqaaqo hase ahaatee mar kaliya ayaa si lama filaan ah amar loogu siiyey ciidanka xoogga iney ka baxaan deegaanka, kuwii deegaanka keligood ayaa looga tagay meesha iyadoo aan la wargelin taasoo aheyd arrin aan la yaabnay, ciidanka degaankana keligood ma joogi karin, iyana wey ka soo baxeen” ayuu yiri G/lle Ismaaciil Cabdimaalik.
Ka bixitaanka ciidamada Dowladda Soomaaliya ee deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud oo aysan ka hadlin saraakiisha xooga dalka ayaa waxaa uu dhabarjab ku yahay howlgalka gobolada ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la wareegitaanka Deegaanka Wabxo kadib,ciidamadda Dowladda ay la wareegi doonaan Degmadda Ceel-buur oo ah saldhiga ugu weyn ee Al-shabaab.

