Salaad Cali jeelle :- Waa Wax laga Xumaado in Beesha Caalamka go’aanka Dadka Soomaliyeed uu ku Xirnaado

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyiinta soomaliyeed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in go’aanka dadka soomaliyeed uu gacan ugu jiro beesha caalamka.

Isagoo wareysi siiyay idaacada simba ayuu sheegay siyaasiga salaad cali jeelle in wax aan la aqbali Karin ay tahay in beesha caalamka ay go’aan ka gaarto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka marka dowlada soomaliya oo xilkeeda dhamaado.

Salaad cali jeelle oo fikir ahaan aaminsan in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka heer degmo ayaa dhanka kale sheegay in beesha caalamka  aan xiligaan loogu baahneen in ay faraha soo gashashato arrimaha doorashooyinka dalka soomaliya.

Dhanka kale siyaasiga salaad cali jeelle ayaa ka hadlay sharciga axsaabta siyaasadeed oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda soomaliya haatana loo gudbiyay baarlamanka soomaliya oo dhankooda laga sugaayo ansixintiisa.

Waxa uu sheegay in sharcigaaas uu wax badan ka badali doono xasbiyada dalka soomaliya ka jira isagoona rajo ka muujiyay in baarlamanka soomaliya uu ansixiyo sharcigaan loo gudbiyay ee axsaabta siyaasadeed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here