Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Golihiisa Wasiirrada Ku Sameeyay Isku Bedel,

0
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan.
Waxaanna sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Dayr, waxaannu u dhignaa sidan
MADAXWEYNUHU:
Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo

Gobolada,

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:           Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
No Magacaabid Xil hore Xil Cusub / Xil suge / Qaadis
1 Mudane, Cismaan Cabdillaahi  Saxardiid Wasaradda Duulista Wasiirka Warfaafinta
2 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Xannaanada Xoolaha
3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiirka Xannaanada Xoolaha Wasiirka Duulista Hawada
4 Mudane, Muuse Qaasim Cumar Wasiirka Ganacsiga Xil Suge
5 Mudane, Yaasiin Maxamed Shide Guddoomiyaha Gobolka Sool Xil Suge
6 Mudane, Xuseen Aadan Cige Af-hayeenka Madaxtooyada Wasiirka Ganacsiga
7 Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha Xil Ka Qaadis
8 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey Maareeyaha Madbacadda Qaranka Xil Ka Qaadis
9 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Wasiir Ku-xigeen W. Duulista Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga
10 Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta
11 Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad) Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga
12 Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac   Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha
13 Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada
14 Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada Wasiiru Dawlaha W. Duulista
15 Mudane, Xamse Maxamed Cabdi   Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
16 Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Guddoomiyaha Gobolka Sool
17 Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax)   Afhayeenka Madaxtooyada
18 Mudane, Siciid Saalax Shire   Maareeyaha Madbacadda Qaranka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here