Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Xero Nacnac.

0

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimatay 11 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii hallige ah uu isku qarxiyay banaanka Xerada Tababarka Ciidanka Gen Dhagabadan Ex Xero Nacnac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaamedkii uu u socday.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago dhagarta Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here