Taliska Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay November, 3, 2022 ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku khaarijiyeen 15 kamid ah Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu caddeeyay in howlgalkaas lagu taageeray ciidamada Soomaaliya uu ka dhacay meel u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Bayaankan ayaa lagu xusay in qiimeynta horudhac ah ay muujineyso in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey duqeyntaas.
“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon,” ayaa la raaciyey qoraalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamadda shalay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

