Xasan Shiikh oo Ku Baaqay in Loo Midoobo Dagaalka Al-shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay shanti cisho ee la soo dhaafay si wada jir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka tarjumaysa dhibaatada iyo xanuunka Shabaab ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban.

“Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda Alshabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyey, maatada la gumaaday, dhammaan lacagta aad bixisaa qeyb ka ah ogoow, qofkii Alshabaab lacag siiyoow”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada Alshabaab, taas oo daaha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suubban ee Islaamka.

“Maanta ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee Alshabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirgaleyso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada Shabaab  kula beegsadeen Soobbe in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here