Hamza:-“Weerarka Nagama Niyad jabin Doono Dagaalka Al-Shabaab”,!

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka naf lacaariga ah ee Shabaab, ay ku beegsadeen dadka maatida ah, waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee Shabaab ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Shabaab oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabargoyn lahaa Shabaab, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here