Dowladda oo Sheegtay in Madax Ka Tirsan Shabaab Lagu Dilay Shabeelaha Dhexe

0
Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera ayaa lagu laayay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.
Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen saraakiil iyo dagaalyahano, waxaa lagu dilay 21  ka tirsan shabaab oo ay ku jiraan sarkaal uu ka mid ahaa Cabdullaahi Cali Caraale.
Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan Shabaab ah iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.
Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm, 10:25pm, 10:43pm, 12:00am saq-dhexe, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd Shabaab, waxaa goobta weerarka ku sugnaa qeybta jabhada oo uu hogaminayay Muscab Cabdulle Saneey iyo saraakiil  kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.
Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad, waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo Shabaab lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Al-shabaab, dhalinyarada ay qaldeen waxa ay dowladdu ugu baaqaysa in ay isi soo dhiibaan si naftooda ay uga badbaadsadaan hawlgalkan wadajirka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here