Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo xalay mar kale laga maqlay Deegaanka masaajidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas ay isku hayaan ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo dagalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Ilaa dhowr gantaal ayaa xalay laga maqlay Deegaanka Masaajidka Cali Gaduud iyo deegaanadda ku dhow.
Duqeynta ayaa waxaa fulinaya diyaaradaha dagaalka Dowladda Turkiga oo qeybta ka ah dagaalka dowladda Federaalka Soomaliya kula jirto dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Deegaankaan oo dowladda iyo Hir-shabeelle ay sheegeen in si buuxda shabaab loogu saaray ayaa dagaal ka bilowday mar kale kadib markii dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo sabtidii ka baxay deegaanka ay galabnimadii weerar kusoo qaadeen.
Dagaalka labadda dhinac ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Saraakiil ka Tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shabaab sababaha loogu bixin la’ yahay deegaanka ay tahay in godad ka qodeen,taasina aysan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya u suuragalin in gaadiid ay ku galaan deegaanka intiisa badan.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta labadda maalin ka socota deegaanka lagu jabiyay dagaalyahanadda Al-shabaab,taasina ay ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hir-shabeelle ay u suuragalinayso in ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan deegaanka Masaajidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

